Magaalada Baladweyn Oo Saakay Degan Ka Dib Dagaal Xalay Ka Dhacay.

0
488


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Waxaa saakay degan xaalada magaalada baladweyn ee xarunta gobolka hiiran ka dib dagaal fool ka fool oo xalay degmada ku dhexmaray ciidamada DKMG ah ee soomaaliya iyo xarakada alshabaab deegaanada ay xalay isfarasaarka uu ka dhacay waxaa ka mida dhinaca galbeed xaafada howlwadaag iyo halka loo yaqaan qujur ciise ee degmada baladweyn.

abaare xalay markii sacada ay aheyd 11 ama shansac ayaa qaraxyo isdaba joog ah iyo rasaas la sidhafsanayo oo ay la socdaan garneelada garabka laga tuura waxaa laga maqlay fariisanka ay gudaha magaalada ku leeyihiin ciidanka DKMG ah ee soomaaliya.

Inkastoo aanay kala cadeen qasaaraha rasmiyan ka dhashay weerarkii xalay ayaa waxa saakay magalada baladweyn ka socanaya howlgallo ay wadan ciidanka DKMG soomaaliya.

weerarkii xalay ka dhacay magaalada baladweyn ee xarunta gobolka hiiran ayaa waxaa soo qaaday xarakada alshabaab iyadoona weerarka uu ku soo beegmay xili maalintii shalay magaalada baladweyn lagu qabtay xaflad ku aadaneed saddex sano guuradii ka soo wareegatay weerarkii magaalada lugu qarxiyay wasiirkii amaanka cumar xaashi aadan.

Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.