Munaasabada ay soo qaban qaabiyeen maamulka gobolka hiiran ee DKMG soomaaliya ayaa lagu xusay saddex sanno ka hor geeridii wasiirkii amaanka dowladii KMG aheyd ee soomaaliya.
Sadedx sanno ka dib magaalada baladweyn ee xarunta gobolka hiiran waxay maamulka gobolka hiiran ay soo qaban qaabiyeen xaflad lagu xusaayay geeridii wasiirkii amniga qaranka soomaaliya cumar xaashi aadan iyo safiirkii hore ee dalka Ethiopia soomaaliya u fadhiyay cabdi kariin laqanyo kuwaasi oo taariikh dooda laga sheekeyay in xaflada ay socatay .
Xaflada ayaa waxaa ka hadlay gudoomihaya maamulka gobolka hiiran iyo gudoomiye ku xigeenka dhinaca amaanka ee gobolka hiiran kuwaasi oo si wada jir ah u cambaareyay falkii qaraxa ismiidaminta ahaa ee sanadii 2009kii magaalada baladweyn hotel ku yaal lagu qarxiyay marxuumiinta uu hogaaminayay cumar xaashi aadan.
Madaxdii manta ka hadashay kulanka ayaa waxa ay cambaaren dusha kaga tuuren xarakada alshabaab ee soomaaliya oo iyagu sheegtay xiligaasi weerarka ay ku dhinteen wafdigii uu hogaaminayay cumar xaashi.
Xaflada manta baladweyn lagu qabtay ee ay soo qabqaabiyeen sanadii aynu ka soo gudabnay laguma aanan qaban oo xiligaasi waxa gobolka hiiran ka talin jiray xarakada alshabaab oo bilo ka hor laga saaray magaalada baladweyn waloo wali ay ku sugan yihiin qeyba ka mida gobolka hiiran.
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.





