Xarunta xalane ee magaalada muqdisho oo manta uu ka dhacay kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaarada hawenka iyo qoyska DKMG soomaaliya munaasabada ayaa waxaa ka soo qeyb galen wakiilka qaramada midoobay oo uu ka socday agestina Philip mahiiga iyo wasiiro ka tirsan dowlada soomaaliya
Maryan aweys jaamac oo ah wasiirada haweynka iyo qoyska xukuumada KMG ah ee soomaaliya ayaa saxafada uga warbixisay ujeedka kulanka manta muqdisho lagu qabtay.
Waxa ay sheegtay in hawenka soomaaliyeed in ay muhiim tahaya in ay ka qeyb qaatan ka samata bixida xiliga kumeel gaarka ah iyo sidoo kale in la muujiyo qeybta ay haweenka soomaliyed ku yeelan karaan siyaasada soomaaliya.
Ergeyga qaramada midoobey uqaabilsan arimaha soomaaliya Agostina mahiiga oo ka hadlay kulanka ayaa waxa uu sheegay in haweenka ay xaq uleeyhiiin in ay door ku yeeshan siyaasada soomaaliya in ay tahay mid waajib ah sida uu hadalka u dhigay.
Xildhiban maxamed cumar dalxa oo ka tirsan mudanayaasha barlamanka soomaliya ee manta ka qeyb galay kulanka ayaa waxa uu sheegay in haweenka ay yiiin kuwa mar walba ay yihiin kuwa ka qeyb qaata nabada soomaliyeed.
Sikastaba ha ahaatee kulanka manta magaalada muqdisho ka dhacay ee ay wasaarada haweenka iyo qoyska ay soo qabanqaabisay ayaa waxa uu ku soo aadayaa xili maalmahii ugu danbeyay ay magaalada muqdisho kulamo ku yeelanayeen haweenka soomaaliyeed.
Xafiiska warqabadaka warsom.com
Muqdisho,somaliya.





