Wasaarada aayaa sheegtay in madaama oo ay soo baxayaan tuhunno la xidhiidha Jaamacadda Barwaaqo iyo Iskuulka Abaarso , oo ah in maamulaha Jaamacaddaasi ay tahay Baadariyad faafinaysa Diinta Kiristanka ay wasaaradaha waxbarashada iyo diintu baadhi donaan waxa ka run ah tuhunada.
“Wasaaradda Diinta iyo Awaaafta oo kaashanaysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, waxa ay baadhayaan oo ay gacanta ku hayaan tuhunnadaasi soo baxaya. Sidaa daraadeed, dadweynaha waxaa laga codsanayaa in ay dhawraan natiijada baadhitaanka ee arrintani” ayaa lagu yidhi warsaxafadeedka.
Madaxa jaamacadda Barwaaqo ee ka fircantay dugsiga Abaarso, gabadha lagu magacaabo Joy Isa, ayaa lagu eedeeyay in ay tahay baadariyad ka shaqaysa fidinta diinta Masiixiga isla markaana waxa looga shakiyay in ay diin faafin ka waday jaamacadda ay maamulka ka tahay.











