Golaha siyaasiyiinta gobolada waqooyi ee Somaliland, oo uu horkacayo guddoomiye Cabdixaashi Cabdullaahi, ayaa raysal wasaare Rooble iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ugu baaqay in ay xal u raadiyaan khilaafka ka taagan doorashada xildhibaannada gobolada waqooyi.
Siyaasiyiinta gobolada Waqooyi waxay codsadeen in loo dhiso guddoon reer Waqooyi ah oo maamula doorashada sidoo kalena la mideeyo labada dhinac ee guddiga doorashada Somaliland oo kala jabay, yeeshay labo guddoon.
Hadalka golaha siyaasiyiinta gobolada waqooyi ayaa kusoo aadaya xilli uu maanta Muqdisho ka furmay shirka wadatashiga arrimaha doorashada oo looga hadlidoono diyaarinta habraaca doorashada aqalka hoose.












