Goobo ay Daacish Ku Lahaayeen Gobolka Bari oo Puntland Sheegtay in ay Cagta Mariyeen Kana Sifeeyeen.

0
615

Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay dhammaan xarumihii kooxda Daacish ay ku lahaayeen gudaha Puntland, kadib markii ciidamada amnigu ay qaadeen howlgal socday muddo labo todobaad ah.

Wasiirka amniga oo shar jaraa’id ku qabtay magaalada Bosaso, ayaa sheegay in ay ciidamada cagta mariyeen saldhigyadii Daacish howgalada kasoo abaabuli jireen islamarkaana la burbyriyay gaadiidkii ay isticmaali jireen iyo Saadkii u kaydsanaa.

Wasiirka wuxuu sheegay in la dilay qeybo badan oo kamid ah dagaalamayaashii Daacish iyo saraakiishii u qaaabilsanaa howgalinta iyo miinada sameynta oo ay ku jiraan ajaanib iyo Soomaali kale.

Gallan wuxuu sidoo kale Sheegay inay ciidamadu ku guulaysteen howlgal kale oo dhacay bishii june oo lagu burburiyay saldhigyo kooxda Alshabaab ku lahaayeen buuralayda Galgala ee gobolka Bari.

Labo askari oo kamid ah ciidamada Puntland ayaa ku geeriyooday guud ahaan howlgaladaan, halka toban kalena ay ku dhaawacmeen.

  1.