Drs Adna Aadan Ismaaciil, ayaa sharci daro ku tilmaantay dhakhaatiir isbitaal keeda ka howl gala oo madaarka Aadan Cadde dib looga soo celiyay basboorka Somaliland oo ay ku safrayeen dartii.
“Dadkii hakadka ku ahaa madaarka Muqdisho, baasbooradoodi ayaa la eegay, labadii ku safrayay baasboorka Somaliland ayaa lala soo dagay” ayay tidhi.
Adna ayaa sheegtay in qofka hakadka ku ah madaarka aan xaq loogu lahayn in la waydiiyo baasboor.
“Qofka madaar hakad ku ah xaq looguma laha in la waydiiyo baasboor, la xidho ama la qafaasho” ayay tidhi.
Drs Adna ayaa sheegtay in dhakhaatiirta diyaarada looga dajiyay madama oo ay siteen baasboor waddan aan la aqoonsanayn.
“Labada qof 3 maalmood ayay xidhnayeen oo ciqaabtooduna ahayd baasboor dal aan la aqoonsanayn ayaad sidataan” ayay tidhi.
“Imisa dal baynu u dhoofnaa oo dalal kale sii dhexmarnaa oo laynagu ixtiraama” ayay hadalkeeda sii raacisay.
Adna ayaa sheegtay in baasboorka Somaliland lagu tago dalal aan baasboorka Soomaaliya lagu tagin.
“Dalal diiday in ay baasboorka Soomaliya fiise ku bixiyaan ayaa ka Somaliland kusiiya” ayay tidhi.
Dhakhtiirtan oo ka hawl gala isbitaalka Adna Aadan ee Hargaysa oo tababar ugu socday dalka Kenya, ayaa baasbooradoodi laga qaaday kadibna Hargaysa looso mastafuriyay.
Waana Arrin xad gudub ku ah heshiiskii dhawaan Jabuuti lagu gaadhey oo tilmaamayey in aan la siyaasadeyn isu socodka bulshada iyo arrimaha Bani’aadanimo ayey hadalkeeda kusoo gunaanadey Drs Adna Aadan.











