“Waxaan ku bogaadineynaa Raiisel wasaare Rooble iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka sidii ay u diideen muddo kordhinta. Waxaan ka codsaneynaa madaxda qaranka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka in ay si deg deg ah u kulmaan si loo dhameystiro qaabka doorashada ee la isku raacsan yahay iyo in la qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha sida ugu dhaqsaha badan iyadoo lagu saleynayo heshiiskii Sebtember 17,” ayaa lagu yiri qoraalka Maraykanka.
Maraykanka ayaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ugu baaqay in ay dhinac iska dhigaan himilooyinkooda siyaasadeed iyo kala duwanaanshahooda danta ummadda Soomaaliyeed ayna si daacad ah ugu gorgortamaan shuruud la’aan iyo tanaasul.
Dowladda Maraykanka ayaa sidoo kale ugu baaqday ciidamada amniga ee Soomaaliya iyo dhammaan kooxaha hubeysan in ay istaagaan oo ay ogolaadaan in wadahadalka siyaasadeed uu dib ugu bilowdo jawi ka caagan rabshadaha iyo cagajugleynta.











