Qaraxyo Sababey Dhimasho Iyo Dhaawac oo Ka Dhacey Degmada Balcad ee G/sh/dhexe.

0
729

Warar ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya halkaa ka dhaceen qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Labadan Qarax oo  siweyn jugtooda looga maqlay degmada ayaa ka dhacay Barkoontarool oo dhinaca galbeedka uga taala degmada Balcad

Qaraxa hore oo ka dhacay Barta koontarool ayaa waxaa ku dhintay Labo ruux, hasse ahaatee wax yar uu kaddib markii ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan maamulka iyo dadweyne kale ayaa waxaa dhacay qaraxa labaad oo sababay dhaawac in ka badan 10 ruux ciidamo iyo dad shacab ah isugu jira.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada oo la xiriira qaraxyadan, waxaana muuqata in qaraxyada u ekayeen kuwo mar horeba goobta  lagu sii diyaariyay.