Wasiirka Galmudug Axmed Fiqi oo Sheegay In La Aqoonsadey Shaqsigii Isku Qarxiyey Saraakiishii Xoogga.

0
846

Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in qofkii fuliyay qarixii ismiidaaminta ee Gaalkacyo ka dhacay uu ahaa qof kasoo jeeday degaanada Galmudug.

Hadalkaan ayuu wasiir Fiqi ka sheegay dood su’aalo lagu weydiinayay isaga iyo culimada islamarkaana ku saabsanayd doorka nabada.

Wasiirka amniga ayaa sheegay in qofkaasi yahay qof la garanayo, balse wuxuu ka gaabsaday inuu macluumaad dheeraad ah kasii bixiyo.

Dhinaca kale, Wasiirka amniga Galmudug ayaa sheegay in ay hayaan tiro dad ah oo Ku eedeysan inay lug ku leeyihiin Qaraxii Gaalkacyo ka dhacay.