Qaar Kamid ah Madaxda Xisbiyadda Siyaasadda Soomaaliya ayaa Muqdisho Kulan Ku Yeeshay Iyagoo Kawada Hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee Dalku Marayo Kulanka oo ahaa Qado Sharaf ay Sameeyeen Isbaheysiga 1da July iyadoo uu Kulanka Gudoominayey Gudoomiyaha Xisbiga Han iyo Hanaan Qaran ahna Gudoomiyaha Isbaheysiga 1da July Guutaale ayaa Dood Kadib waxey Isku Afgarteen Qodobadan.
- Madaxda Xisbiyada Shirka Yeeshay oo Tiradoodu Gaaraysay Ilaa 20 Xisbi Siyaasadeed Waxey Soo Dhaweeyeen Golaha Xukuumadda uu Soo Dhisay R/wasaare Maxamed Xuseen Rooble,Iyagoo Ugu Baaqey Kana Codsadey Golaha Barlamaanka in ay Si Deg Deg ah U Meel mariyaan Ama U Ansixiyaan Xukuumadda Cusub Si Hawlaha Hor Yaal ay U Guda Galaan.
2.Madaxda Xisbiyada ayaa Usoo Jeediyey Madaxda Federalka iyo Kuwa Maamul Goboleedyada In La Dhawro Lana Meel mariyo Heshiiskii ay Dhawaan Muqdisho Ku Gaareen Labada Aqalna Ansixiyeen Lagana Fogaado Wax Kasta oo Carqalad Ku Noqon kara,Si Looga Baaqsado Dib u Dhac ku Yimaada Doorashooyinka Dalka Ka Dhici Doona.
3 Xisbiyada ayaa Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamey Xarigga Wariye C/llaahi Kulmiye Caddaw Iyagoo Hay’adaha Ku Lugta Leh Xariga Wariyahaas ugu Yeeray In Si Deg Deg ah Xoriyaddiisa Loo Soo Celiyo,Maadaama uu Wariyahaasi Yahey Aabaha Caruur Rajo ah oo aan Noolaan Kareyn La’aantiis,Darxumo iyo Xannaano La’aana Hadda Laga Soo Sheegayo.
4 Ugu Danbeyntiina Madaxda Xisbiyada ayaa Tacsi Tiiraayo Leh U Diray Qoyskii Qaraabadii,Hobolada Waaberi iyo dhamaan Dadka Soomaaliyeed Allaha U Naxariistee Fannaanadii Qaaliga aheyd Saynab Xaaji Cali Baxsan oo Shaley Muqdisho Ku Geeryootay iyagoo Alle uga Baryey Jannadiisa Firdawsa Ehelkii iyo Dadka Soomaaliyeedna Samir iyo Iyo Iimaan Saadaq ah Kasiiyo(innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun).















