Dagaal Ka Dhacay J/hoose oo Ciidamada Dawladdu Guulo Ka Sheegteen.

0
660

Ciidamada kumaandooska Danab, gaar ahaan ururka 5-aad ayaa waxay sheegeen in howl-gal saacadihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen Gobolka Jubada hoose ay kula wareegeen deegaanka birta dheer oo 60KM u jira magaalada Kismaayo.

Taliyaha guutada 16-aad G/le Ismaaciil cabdiqaadir Maalin ayaa waxa uu sheegay in ciidamada dowladda hadda ay maamulayaan deegaanka ay la wareegeen.

“Wuxuu ahaa howl-gal si wanaagsan loo diyaariyay, ururka 5-aad ee guutada 16-aad waxay xaqiijeen guulo waaweyn” ayuu u sheegay warbaahinta.

Wuxuu intaa ku daray iney sii wadi doonaan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Dhinaca kale ma jiraan war kasoo baxay Al-shabaab oo ay uga hadlayaa guulaha ciidamada dowladda ay sheegeen.