Dad Kaluumeysato ah oo Ku Geeryoodey Xeebaha Koonfureed ee Soomaaliya.

0
587

Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga maamul Goboleedka Jubaland Ibraahim Cabdi Xasan ayaa waxa uu sheegay in 9 ruux ay ku dhinteen xeebaha Raas kaambooni ee Gobolka Jubada hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Dadkaan dhintay ayaa waxay ka jillaabayeen badi badda.  Waxaana dhimashadooda sabab u ahaa roobab xooggan oo dabeyla wata.

“Runtii waa sheeko xanuun badan in ay dhintay  9 ruux,  oo ahaa jillaabato,  waxaa muhiim ah in qof kasta oo taxadar sameeyo ” ayuu yiri wasiirka kalluumeysiga Jubaland Ibraahim Cabdi Xasan.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in badi bishaan oo kale sanad kasta ay roobabkaan dabeylaha wata ay ka da’aan xeebaha Soomaaliya.

“Roobabkaan waxay sidoo kale bur buriyeen doomo badan” ayuu mar kale warbaahinta u sheegay.

Dadka ku nool xeebaha Soomaaliya ayaa waxay aad dhaqaalo ahaan ugu tiirsanyihiin dakhliga kasoo  gala kalluumeysiga.