Ruux Nafti Hure ah oo Maanta Isku Qarxiyey Maqaayad Ku Taal Deg. X/jajab ee G/banaadir.

0
789

Qof iskusoo xeray wax-yaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay maqaaxida Luul Yemeni oo ku taalla degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ku dhow dekadda weyn ee magaalada muqdisho, waxaana ka cunteeya dad badan oo ka shaqeeya meelo kala duwan.

Wararka laga helayo maqaaxida Luul Yemeni ee uu qaraxu ka dhacay ayaa waxay sheegayaan inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, Sida Boolisku Sheegeen Waxaa Dhintey Labo Ilaalada Maqaaxida ahaa iyo Kii Is Qarxiyey Iyadoo Sadex Rayid ahna uu Dhaawac kasoo Gaarey.

Maqaaxida uu qaraxa ka dhacay ayaa waxay tahay mid mashquul badan xilliyada qadada,mana Jirto Cid Illaa Hada Sheegatey In ay Qaraxa Ismiidaaminta ah Ka Danbeyso,axaase Caadiyan Falalkan Lagu Yaqaan Dagaalamayaasha Al-shabaab.