Qaar Kamid ah Madaxda Xisbiyada oo Ku Baaqey In Xoriyadiisa Dib Loo Siiyo Wariye Abuuja.

0
1121

Waxaa maanta maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya dhageysatay kiiska dacwada ka dhanka ah weriye Maxamed Cabdiwahaab Nuur ‘Abuuja’ oo muddo dhowr bil ah ku xirnaa Muqdisho.

Goobta Maxkamadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno kooban oo kamid ah Ururrada saxaafadda , gaar ahaan daladda ay ku midoobeen warbaahinta qaar ee SOMA iyo Ururka SJS, sidoo kale waxaa joogay xubno kamid ah qoyska weriyaha iyo qareennadii difaacayay.

Waxaa la dhageystay kiiska ay xeer ilaalinta iyo baarayaasha ay maxkamadda militariga u gudbiyeen iyo abuukaatayaasha difaacayay suxufiga.

Maxkamadda oo dhageysiga kiiska oo waqti dheer siisay, kadib waxaa weriye Abuuja la weydiiyay sida uu u arko go’aanka uu ka filan karo Maxkamadda, isagoo codsaday inuu helo cadaalad.

Guddoomiyaha maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa intaasi kadib soo xeray dhageysigii kiiska, waxa uuna sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay go’aan kasoo saari doonaan.

Weriye Abuuja ayaa ah tafaftiraha Idaacadda Hiigsi ee magaalada Muqdisho, waxaana ku dhowaad shan bilood uu ku jiraa xabsi ku yaalla Muqdisho, isagoo markii ugu horreysay maanta la horkeeno cadaaladda maxkamadda ciidamada.

Dhanka Kale Gudoomiyaha Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasda Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Cali Maxamed Nuux Timajic ayaa Ugu Baaqey Maxkamadda Ciidamada In Wariye Maxamed C/wahaab Abuuja Xorriyaddiisa Dib Loogu Celiyo,Maadaama Wax Caddeyn ah aan La Keenin Maxkamadda Horteeda,Wariyahana aysan Mihnadiisa Aheyn Waxa Lagu Soo Eedeeyey.

Waxey Noqotey Caadi In Qofka Awooda Isbidaya Hadii ay Is Qabtaan Qof Kale uu La Xiriiriyo Al-shabaab ama Danbi uusan Laheyn Dusha Ka Saaro,Aad iyo Aad ayaan Ula Soconey Sheekada Wariye Abuuja iyo Dadka ay Is Hayeen iyadoo Horena Dhaawac Loogu Gaystey Hadana In uu Xaq Darro Ku Xirnaado,wax Caddeyn ahna Xeer Illaalintu Keeni Weydo Sax Maahan ayuu Yiri Gudoomiye Timajilic.