M/weynihii Hore ee Dalka Algeria oo Ganacsade ay aad Isugu Dhawaayeen Xabsi Dheer Lagu Xukumay.

0
881

Madaxa shirkad Gawaarida sameysa oo ku taalla dalka Algeria Mahieddine Tahkout, kana mid ahaa shakhsiyaadka  ugu dhaqaalaha badan waddankaasi ayaa lagu xakumay 16 sano oo xarig ah , kadib markii lagusoo eedeeyay musuq-maasuq. Wuxuu saaxiib dhow la ahaa madaxweynihii dalkaasi ee xukunka laga tuuray Abdelaziz Bouteflika.

Mahdieddine Tahkout waxaa lagusoo eedeeyay in isagoo adeegsanaya awoodda dowladda uu shirkaddiisa ku sameeyay maal-gelin lixaad leh , lacagta loo adeegsadayna laga saaray qasnadda dowladda.

Eedeyntaasi ayaa waxay noqotay mid culus, oo qaanuunka dalkaasi uu dhigayo in dembiyada noocaan ah ay yihiin xad-gudub weyn oo qofkii galo uu wejihi karo ciqaab adag.

Madaxweynahii hore ee waddankaasi ayaa xilka ka degay kadib markii uu waajahay dibad-baxyo culus oo ay dhigeen shacabka waddankaas , iyagoo diidanaa inuu dalkaasi kasii arrimiyo.

Hase Yeeshee Ganacsadahan oo aad ay Saaxiibo u ahaayeen Madaweynaha Ayaa Hadda Maraya Ciqaab Xabsi oo aad U Dheer,taas oo aan La ogeyn in ay u Furantahey in uu Gato Xabsiga ama Racfaan Ka Qaato.