Xisbiyo Siyaasadeed iyo Ururo Bulsho Rayid ah oo Dacwad Geeyey Maxkamadda Sare ee Dalka.

0
695

Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda,Isbaheysiga Xisbiyada Higsi iyo Qaar Kamid ah Ururada Bulshada Rayidka ah Ayaa Dacwad Ka Dhan ah Xeerka Doorashooyinka Golyaashu Ansixiyeen M/weynuhuna Saxiixey Kaas oo ay Diidan yihiin In Aan Doorasho Dalku ku Geli karin Danta Dalkuna Ku Jirin Sidaas Awgeedna Maxkamadda Dacwadda U Geeyeen Si Maxkamadda Sare U Laasho Xeerkaas.

Gudoomiyaha Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Md Cali Maxamed Nuux Timajilic Ayaa La Hadlay Warbaahinta Iyadoo ay Dhinac Fadhido Gudoomiyaha Isbaheysiga Higsi Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan Ayaa Tibaaxey In Labada Isbaheysi Iyo Bulshada Rayidkuba ay Isla Qaateen In Xeerka Doorashooyinka Golayaashu Ansixiyeen uusan Dan Dalka Iyo Dadka U Aheyn.

Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo kamid ah mudanayaasha Baarlamanka Jamhuuriyadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya,  sidoo kalana ah hogaamiyaha Xisbiga NDP ayaa waxay maanta sheegtay in ay u gudbisay maxkamadda sare ee qaranka dacwad ka dhan ah sharciga doorashooyinka Soomaaliya ee dhowaan ay meel-mariyeen xildhibaannada labada aqal,  madaxweynahuna uu saxiixay.

Waxay sidoo kale sheegtay xildhibaan Fowsiya in aysan la dhacsaneyn hannaanka sharciga doorashooyinka loo dhigay,  taas oo ay qeexday in uu ula muuqdo mid aan cadaalad siman siineyn muwaadiniinta.

“Annaga waxaan u baahannahay in muwaadiniinta dalka ay u sinnaadaan,  sidoo kalana laga gudbo 4.5 ” ayeey u sheegtay warbaahinta Muqdisho xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Xildhibaanaddu waxay intaa ku dartay in dacwada ay kala shaqeeyeen abuukaatayaal si fiican ula diyaariyay,  waxayna gudbinta dacwadaan Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ay kusoo aadeysaa xilli Soomaaliya  dhowaan ay isku diyaarineyso doorashadii Baarlamanka iyo tan Madaxweynaha.