Madaxweynaha Hirshabeele oo Jowhar Isku Karantiilay/Maxey Tahey Sababtu?.

0
747

Sida lagu xaqiijiyay qoraal kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta Maamulka Hirshabeelle Madaxweynaha Dowlad goboleedkaasi Maxamed Cabdi Waare ayaa beeniyay inuu la xanuunsanayo bushiga Coronavirus, kuna jiranyahay magaalada Jowhar.

Qoraalkaan oo lasoo dhigay barta Facebook-ga ee Wasiirka warfaafinta Maamulkaasi Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Ex-Kaabbe),  ayaa intaa ku daray in Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu qaatay talooyinka ay bixinayaan khuburada dhinaca Caafimaadka ee ku saabsan sidii loo joojin lahaa faafitaanka COVID-19.

Wasiirka warfaafinta Hirshabeelle ayaa sidoo kale intaa ku daray in Madaxweyne Waare uu is-karaantiilay muddo isbuuc ah,  uuna doonayo inuu ku nagaado gurigiisa,  taasi micnaheedana aysan aheyn inuu xanuunsanyahay.

Tan iyo wixii ka dembeeyay markii Allaha U Naxariistee wasiiru dowlahii cadaaladda Hirshabeelle,  ahaana mudane  ee ka tirsan baarlamanaka maamulkaasi Khaliif Muumin Tooxow laga helay xanuunka COVID-19 ee uu u geeriyooday Warbaahinta qaar ayaa qoray in xubno sare oo ka tirsan Hirshabeelle,  uuna ka mid yahay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ay iyaguna Jowhar ku xanuunsanayaan,  hadalka kasoo baxay Hirshabeelle-na  waxaa lagu beeninayaa warkaasi,  walow la xaqiijiyay inuu madaxweynahu is-karaantiilay.