Dadka Difaaca Jirkoodu Hooseeyo oo Halis Ugu Jira Xanuunaka Covid-19.

0
1082

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya,  Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa ku baaqday in masuuliyad gaar ah la iska saaro daryeelka caafimaad iyo xannaano ee dadka waayeelka ah.

Wasiirka caafimaadka oo caawo bixinaysay warbixin ku saabsan xaaladda cudurka waxay sheegtay in cudurka Coronavirus saameynta ugu badan uu u geystay dadka ay da’doodu weyn tahay iyo kuwa qaba cudurada daba dheeraada, sida, Dhiig karka, Macaanka, Wadno xanuunka, Beer xanuunka, Kelyo xanuunka iyo xanuunada ku dhaca Sambabada.

Waxay kaloo wasiiraddu tilmaamtay inay cudurka halis ugu jiraan dadka difaacoodu liito ama yar yahay ee ay Carruurta kamidka yihiim. Dadka nuucaas ah waxay ku talisay in laga yareeyo booqashada ama laga ilaaliyo inay dadka kale xidhiidh la sameeyaan.

Dhinaca kale, Wasiir Fowsiya Abiikar Nuur waxay sheegtay in laba kamid ah bukaannada COVID-19 ee lagu baxnaaninayo Isbitaal De-Martini ay xaaladdoodu darantahay ayna u baahanyihiin daryeel dheeraad ah.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur  waxay ku celisay in Xanuunku si aayar ah ugu faafayo bulshada dhexdeeda, lagana helay dad dhawaanahaan aan safrin, xiriirna aan la sameyn qaar ka mid ah dadka la xaqiijiyay in cudurka laga helay sidaa darteed ay muhiim tahay in la raacao fariimaha iyo talooyinka caafimad ee ay kamidka yihiin in guryaha  la joogo, in la kala fogaado oo labo mitir la’isu jirsado, In la joogteeyo fara-xalka iyo in la joojiyo Salaanta gacan qaadka ah.