Dagaalo Xoogan oo Maanta Lagu Qaaday Xaraka Al-shabaab Afgooye.

0
522

SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM

Dagaalo Culus Ayaa Waxay Maanta Ka Soconayaan Duleedka Muqdisho Oo Ay Ka Arimiyaan Xaraka Mujaahidiin Al-shabaab,Iyadoo Dagaalkaan La Sheegayo In Ay Qaadeen Ciidamda Midowga Afrika ee Soomaaliya u Jooga Nabad Ilaalinta AMISOM Iyo Ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya.

Dagaaladaan oo Ka Soconaya Wadada Xiriirisa Degmada Dayniile Iyo |Deegaanada Loo Barakacay Ee Marta Qeybta Dambe ee Dagmadaasi, ayaa waxa uga soconayaa si xoogan.

Dagaaladaa Ayaa ah Mid leysku Adeegsanayo Hubka Noocyadiisa kala duwan ayaa waxa laga maqlayaa dhamaan goobaha ku dhaw dhaw ayadoo argaagax uu ku beeray barakacayaasha ku dhaqan goobaha uu dagaalka ka soconayo.

Sida Aynu Ku Heleeno Warar Hoosa Ayaa ey Sheegayaa in Shacabka ku dhaqan Deegaanada Calaamadaha, Siinka dheer, ceelasha Biyaha , Lafoole Iyo Carbiska, ay ku sugan yihin xaalad adag islamarkaana uu soo gaarayo Hubka Cul Culus ee Leysku Adeegsanayo.

Dagaalkaan oo ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Ay Ku qaadeen Si Gaad ma ah Ayaa Wararka aynu Heleeno Waxay xaqiijinayaa In Dhanka xaraka Mujaahidiinta Al-shabaab Ay iska Caabin Culus Sameynayaa.

Ciidamada AMISOM Iyo Kuwa Dowlada Waxey Weerarada Ka Qaadeen Goobo Farabada Sida Wadada Jaamacadda Muqdisho Korkeeda Marta oo Loo Yaqaano Dibida, Qabuuraha Barakaat,Dhinaca Deegaanka Bangala,wadada Jayga h ee Aadda Cisbitaalka Dayniile,Ex Kulliyaddi Jalle Siyaad,iyadoo Dhinaca kalana Daafacyo Waaweyn Ciidamda AMISOM Kaga Jiraan Banaanada Hore Ee xerooyinka ASLUUBTA iyo SARKUUSTA.

Dhanka Kale Ciidamada Mujaahidiin Al-shabaab ayaa Waxa loo Sheegayaa inay Ku Sugan Yihiin Goobo aan Sidaa uga Fogeen Gaar Ahaan Tabeellaha Sheekh Ibraahim oo ay Xarakada mujaahidiin Al-shabaab Difaac adag kaga jiraan.

Dagaalkaasi oo Ilaa Iyo Iminkadan lama Xaqiijinkaro Qasaaraha uu geystay Balse dagaalka ayaa waxa la sheegayaa in uu ka duwan yihay dagaaladii goos goos ka ahaa oo ka dhici jiray deegaanada iminka uu dagaalka ka soconaya .

Dagaalkaasi wixii ku soo kordho warsom.com kala soco.

Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya.