SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM
Rag bastoolado ku hubeysanaa ayaa waxa ay ku dileen malaaqa xaafada Berdaale ee magaalada Baydhabo, iyadoo aan la ogeyn ujeedada dhabta ah ee ka dambeysay dilka malaaqa iyo cidda dishay toona, waxayna warar aan la xaqiijin ay sheegayaan inuu Malaaqa uu ka qeybgalay shirka magaalada Muqdisho uga socda hogaamiyeyasha dhaqanka, isla markaasna magaalada Baydhabo uu u tagay sida la sheegay arrimo u gaar ah.
Sida warku sheegayo kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana la sheegay in markii uu dilku dhacay ka dib ay goobta soo gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya oo baaritaano kala duwan halkaasi ka sameeyay, lamana sheegin cid ay u soo qabteen dilka loo geystay Malaaqa, inkastoo ay jiraan dad badan oo ay ka qabqabteen magaalada Baydhabo gudaheeda.
Magaalada Baydhabo ayaa dhawaanahaanba ka taagnaa dilal lagu khaarajinayo dad rayid ah iyo dad kale oo la sheegay inay inay si hoose ula shaqeyn jireen ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda KMG, kuwaas oo siyaabo kala duwan loogu dilay gudaha magaalada Baydhabo, waxaana xusid mudan in Itoobiya ay ka joogaan gobolka Bay ciidamo aad u badan, sidoo kalena ciidanka Itoobiya waxay joogaan gobolada Bakool, Hiiraan iyo waliba Galgaduud oo kawada tirsan gobolada koonfurgalbeed ee dalka Soomaaliya iyo gobolada dhexe.
Si Kastaba Ha ahaatee ka hor intii aysan ciidamada Itoobiyaanka oo kaabaya kuwa dowladda KMG Soomaaliya aysan dhici jirin dilalka soo noqnoqday ee hadda ka dhaca deegaanada ay ku wada suganyihiin ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya.




