Dagaal Xoogan Oo Markale Xalay Ka dhacay Dagmada Dharkiinley.

0
588

SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM

Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada AMISOM, kuwa dowladda oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Dharkeenley, iyadoo dagaalka ahaa mid hubka la isu adeegsanayay laga maqlayay qeybo badan oo ka mid ah Caasimada Muqdisho.

Xoogag ka tirsan Shabaab ayaa abaarihii 11-kii habeenimo weeraro qorsheysan ku qaaday Xaafada Abagada iyo nawaaxiga Xoosh, halkaasoo fariisimo ay ku leeyihiin Ciidamada AMISOM, waxaana kadib bilowday dagaal fool ka fool ahaa.

Madaafiicda la is weydaarsanayay ayaa ku dhacayay deegaanka Kaxda, oo dad badana ay ku dhaqan yihiin, inkastoo aan la ogeyn hadii ay qasaare ka dhasheen Mid ka mid ah dadka deegaanka oo ku dhaqan degmada Dharkeenley ayaa sheegay in xalay ay uga duwaneyd habeenadii kale, kadib markii dagaalka ay soo qaadeen Shabaab uu ahaa mid ay gudaha degmadaas ka soo bilaabeen, marka laga reebo xiliyadii hore inay duleedyada ka soo qaadayeen.

Labada degmo ee Wadajir iyo Dharkeenley ayaa si aad ah looga maqlayay hubka la is dhaafsanayay, iyadoo dadka qaar ay hurdada kaga salaleen hubka waa weyn ee ay ridayeen Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Brundi ee saldhiga ku leh Xaafada Abagada.

Al-Shabaab ayaa xilliyada habeenkii soo qaada weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, iyagoo saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku ekeeyay.

Xafiiska War qabadka Warsom.com
Muqdisho,somaliya