Gudiga Cusub ee Doorashooyinka Somaliland oo Kulan La Yeeshay M/weyne Muuse Biixi.

0
856

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta kulan la yeeshay Guddida cusub ee  Komishanka Doorashooyinka Qaranka si looga gudbo khilaafaadka ka dhashay dib u dhaca doorashooyinka Somaliland.

Afhayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac oo war-saxaafadeed ka soo saaray kulankooda ayaa sidan u qornaa: “madaxweynuhu wuxu xubnaha guddida uga warramay caqabada ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka iyo xubnaha komishanka doorashooyinka laftooda, isaga oo ku dheeraaday ahmiyadda ay doorashooyinku dalka u leeyihiin iyo sida uu ka madaxweyne ahaan u danaynayo in degdeg looga gudbo dhammaanba wixii turaanturrooyin ah ee doorashooyinka hor taagan.

Dhinaca xubnaha guddida doorashooyinku waxay madaxweynaha xogwarran ka siiyeen wixii u qabsoomay intii ay xilka hayeen iyo waxyaabaha mustaqbal ahaan u qorshaysan.”

Sidan oo kale madaxweynuhu wuxuu shalay la kulmay hogaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ah, kuwaas oo ay ka wada hadleen sidii doorashooyin dalkan uga dhici lahaayeen.