Xisbiga Midqaran oo kamid ah xisbiyada siyaasadeed ee Soomaaliya, ayaa deeq lacageed gaarsiiyay qoyskii ay saameeyeen fatahaadii ka dhalatay webiga Shabelle ee magaalada Baladweyne ee caasimadda gobolka Hiiraan.
Xisbiga Midqaran oo guddoomiye ka yahay Prof Cabdi Nuur Sheekh Maxamed ayaa qoys waliba guddoonsiiyay lacag 50 dollar, si ay uga caawiso xaalada ay ku sugan yihiin, waxayna u wakiisheen guddomiyaha dhalinyarada Hirshabelle Maxamed Buraale iyo Guddomiyaha Dhallinyarada Gobolka Hiiraan Faarax Cabdi Cali.
Xisbiga midnimo qaran ayaa looga mahad celiyay inuu kaalin muhiima ka cayaaray gurmadka fatahaada webiga Shabelle.
Nabaddoon Dacar Xirsi oo kamid ah waxaradka Baladweyne, ayaa uga mahad celiyay xisbiga taageeradiisa, isagoo sheegay in cid waliba oo wax la baxday ay wanaageeda helidoonto.
Guddoomiyaha dhalinyarada Hiiraan, Faarax Cabdi Cali, ayaa uga mahad celiyay xisbiga midnimo qaran sida ay iskugu xilqaameen inay ka qeyb qaataan gurmadka reer Baladweyne.
Wuxuu sheegay inay bulshada si wanaagsan oo cadaalad ah ugu qeybiyeen deeqdii loosoo wakiishay ee ka timid xisbiga.











