Adeega Forex oo Dawladda Soomaaliya Amartey In Gabi’ahaantiis Xisaabihiisa La Xiro.

0
538
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta amartay in la xiro akoonada ay leeyihiin shirkadaha ku shaqeysta adeega sarifka lagacaha qalaad ee suuqyada caalamiga ah. (Forex Exchange).

Go’aan kasoo baxay bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu faray bangiyada gaarka loo leeyahay inay xiraan dhammaan xisaabaadka ganacstada iibiya lacagaha qalaad.

Go’aankaan ayaa kusoo beegmaya kadib markii dhawaan culimo magaalada Muqdisho ku shiray ay xaaraan ku tilmaamay isticmaalka iyo ku shaqeysiga adeega Forex ee gudaha Soomaaliya.

Halkaan ka aqriso go’aanka bangiga.