Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen, ayaa ka hadlay xaalada uu ku sugan yahay Muqtaar Roobow oo muddo ka badan sanad u xiran dowladda federalka Soomaaliya.
Madaxweyne Lafta gareen, ayaa sheegay Muqtaar Roobow in uusan xabsi ku jirin, balse uu ku nool yahay gurigiisa, kaliyana ay ka maqan tahay inuu helo xoriyadiisa dhaqdhaqaaq iyo siyaasadeed.
“Muqtaar arrintiisa waan ka howlgalnay, shaqo wanaasan ayaan ka qabtay,waan booqday marar badan waxaana ku howlanahay inuu helo xoriyadiisa,” ayuu yidhi madaxweyne lafta gareen.”
Roobow ayaa muddo ka badan sanad u xiran xukuumada Soomaaliya, weli dowladda federalka kama hadlin xarigiisa.
Xarigiisa ayaa sabab u ahaa kadib markii dowladda federalka ku amartay inuusan ka qeyb qaadan doorashadii koonfur galbeed, balse uu ka dhaga adaygay, taasoo keentay in lasoo xiro.
Madaxweynaha koonfur galbeed ayaa sheegay inay xalliyeen dhibaatadii ka dhalatay xiritaankii Muqtaar iyo qalalaasihii doorashada.





