DEG DEG Weerar Saf Ballaran ah oo Caawa ka dhacay Dulledka Muqdisho

0
659

Warar ka imaanaya Dulledka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Dagaalyano ka tirsan Al Shabaab ayaa waxay caawa weerar saf ballaaran ay ku qaadeen Xerada Hiilweyne, oo ku taala duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Xoogaga Al Shabaab oo hubka noocyadiisa kala duwan ku hubeysan ayaa dhawr jiho ka weeraray Xerada Hiilweyne, oo saldhig ciidan u ah Ciidanka Xoogga Dalka.

Halka uu dagaalka ka socdo iyo deegaanada ka fog fogba ayaa waxaa maqlayaa hubka ay labada dhinac dagaalka isu adeegsanayaan. Waxaana soo baxaya warar sheegayay in halkaasi laga maqlay qaraxyo xoogan.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Xoogaga Al Shabaab ay qaarkood u suurta-gashay in ay ka gudbaan difaaca hore ee Ciidamada Dowladda, isla-markaana ay gudaha u galeen xerada, inkastoo aanay jirin cid si rasmi ah warkaasi u xaqiijin karta.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo aanu la hadalnay ayaa xaqiijiyay in weerarka uu jiro, balse waxay ka gaabsadeen in tafaasiil intaasi dheer ay ka bixiyan.

Waa weerarkii ugu horeeyay oo ceynkiisa ah oo maleeshiyada Shabaabku ku qaadaan Dugsigii Tababarka ee Hiilweyne, tan iyo markii aaggaasi laga sifeeyay horaantii sanadkii 2012.