Alshabab oo War Ka Soo Saaray Weerar Hotelka S Y L ee Muqdisho

0
691

Xarakada Al Shabaab ayaa si rasmi ah uga hadlay weerarkii abaabulnaa ee maleeshiyadooda ay ku galeen Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho, kuna yaala meel ku dhow Madaxtooyada Somaliya.

Bayaan ka soo baxay Dagaalyanada Al Shabaab, uuna ku saxiixnaa Afhayeenka Ciidamada Al Shabaab, Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa waxaa lagu faah faahiyay weerarka, khasaaraha ka dhashay iyo weliba cidda ugu badan ee khasaaraha lagu gaarsiiyay.

Bayaanka ayaa lagu yiri “Maalintii Talaadada oo taariikhdu ku beegneyd 13 Rabiicu-Thaani 1441H, oo waafaqsaneyd 10/12/2019, dagaalyahano Mujaahidiin ah oo ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Xarakada Al-Shabaab ayaa qaaday weerar beegsanayay xubno ka tirsan dowladda oo ku sugnaa Hotelka aadka loo ilaaliyo ee SYL.”

Sidoo kale waxaa lagu sheegay “Ka dib markii ay laayeen ilaaladii joogtay ilinka hore ee dhismaha, waxay Mujaahidiintu durbadiiba u sii gudbeen qaybaha uu ka koobnaa dabaqa si ay u baacsadaan Saraakiishii Dowladda ee ku dhuumaaleysanayay gudaha.”

Bayaanka ayaa lagu yiri “Maleeshiyaatka dowladda ayaa sameeyey dadaalo naf la caarinimo ah, si ay usoo afjaraan weerarka, balse dadaaladaas ayaa ku soo idlaaday rajo beel, waxayna qaadeen ugu yaraan lix weerar oo ay ku doonayeen inay ku qabsadaan dhismaha, laakiin waxay la kulmeen khasaare xoogan.”

Bayaanka oo looga hadlay khasaaraha ka dhashay weerarka ayaa lagu yiri “Hawlgalka toogashada oo socday muddo 8 saacadood oo xiriir ah ayaa ku soo idlaaday dhimashada ugu yaraan 25 oo isugu jira Saraakiil sarsare, xubno ka tirsan militariga iyo Police-ka, ilaalada Madaxtooyada, Shaqaalaha Dowladda iyo basaasiinta dharcadka ah ee ridada.”

Shabaabka ayaa bayaanka ku sheegay in khasaaraha ugu badan uu weerarka ka soo gaaray Ciidamada Dowladda Somaliya ee Turkiga uu soo tababaray, waxaana bayaanka lagu yiri “Kala bar khasaarahan wuxuu soo gaaray ciidamadii uu soo tababaray Turkiga, kuwaas oo laga dilay ugu yaraan 13 askari, xilli ay isku dayayeen inay soo afjaraan weerarka. Ugu yaraan 39 kale oo ka mid ah cadowga ayaa ku dhaawacmay weerarka, kuwaas oo ay ku jiraan Wasiirro hore, Xildhibaano iyo saraakiil amni.”

Mintidiinta Al Shabaab oo ku hanjabay inay weerarada sii wadi doonaan ayaa waxay bayaanka ku sheegeen “Xarakada Al Shabaab waxay ballanqaadeysaa inay sii wado doonto hawlgalada ay ku beegsaneyso xukuumada iyo xulafadooda, illaa iyo inta laga xoreynayo dalka Muslimka ah ee Somaliya ee ku hoos jira gumeysiga, Shareecada Allaahna si dhameystiran loo hirgelinayo.”