Magaalada Doha ee Dalka Qatar oo uu Ka Furmay Shirka Barlamaanada Adduunka.

0
605

Magaalada Doxa ee caasimadda dalka Qatar waxaa maanta ka furmay shirka 7aad ee Ururka Baarlamaannada Adduunka oo sanadkan looga hadlayo dagaalanka Musuq Maasuqa.

Shirka waxaa isla shir-guddoominaya guddoomiyaha Golaha Shuurada Qatar, guddoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka (IPU) iyo Guddoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka ee la dagaalanka Musuqa  (GOPAC).

Soomaaliya waxaa Shirkan uga qeyb-galaya wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi  Cabdullaahi iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal.

Shirka oo socon doonno maalmaha 9 iyo 10 Diseembar 2019 ayaa sidoo  kale la filayaa in Guddoomiyaha Aqalka Sare uu la kulmo madaxda kale ee  ka qeyb-galeysa shirkaas.