Kulankaan oo ay ka qeybgaleen Xubno ka tirsan Labada Gole Dowladda iyo hay’addo caalami ah ayaa lagusoo bandhigay warbixinaha hordhaca ah ee laga hayo khasaarikhii ka dhashay Roobabkii da’ay, oo ay ka waddooyink go’ay sida Wadada Lafa Goroyo ee Gobolka Gardafuu, Wadada Laasqoray- Ceelaayo ee Gobolka Sanaag iyo Wadada laamiga ah ee isku xirta Boosaaso iyo Garoowe.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa magacaabay Guddi isugu jira Wasiiro.
Xildhibaano iyo Culimo, kuwaasi oo ka shaqeyn doona wax ka qabashada khasaarihii ka dhashay Roobabka iyo abaabulka sidii loogu gurman lahaa dadka waxyeeladu gaartay.
Warbaahinta Gudaha ayaa shalay daabacday warbixin ku saabsanayd xaalada gobolka Gardafuu kadib markii gobolkaas uu galay xaalad u muuqata go’doon, kadib markii waddooyinkii isku xiri jiray ay burburiyeen Roobabkii halkaas ka da’ay.










