Madasha Xisbiyada Qaran Oo War Ka Soo Saaray Shirkii Farmaajo & Madaxdii Hore

0
571

Siyaasiyiinta Madasha Xisbiyada Qaranka ayaa waxay faah faahin ka bixiyeen waxyaabaha ka soo baxay kulankii ay maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne-yaashii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh Maxamuud oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliya ay isu waafaqayn inaanan wax muddo kordhin ah loo samaynin hay’adaha dowladda, isla-markaana ay doorashooyinka ku qabsoomaan xilligii loogu talagalay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in la’isku raacay in si wadajira looga shaqeeyo arrimaha doorashooyinka, iyadoo ay kaalin ku yeelanayan Xisbiyada Dalka iyo Maamul Goboleedyada.

Waxaa uu soo hadalqaaday arrimaha amniga ee dalka, isagoo sheegay in la’isku waafaqay inaanan la siyaasadayn shaqada Ciidamada Dowladda, isla-markaana aanay ciidamadu taageerin cid gaara.

Isagoo soo hadalqaaday Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in Madaxweyne-yaashii hore ee dalka ay Madaxweynaha maanta kala hadleen, sidii uu maqaam ku yeelan lahaa Gobolka Banaadir.

Dhanka kale Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaranka ayaa dhankiisa sheegay in qodobada la isla meel dhigay ay ka mid yihiin

In Madaxweyne Farmaajo Farmaajo ka garaabay arrimihii ka dhashay safaradii Kismaay iyo Beladweyne.

In Doorashada Dalka waqtigeeda ku dhacdo , lagana hishiiyo qaabka Iyo nooca Doorashada u dhaceyso 2020-2021 .

In La ilaaliyo Xoriyaadka iyo xaquuqda Muwaadinka Soomaaliyeed.

In la ilaaliyo Dastuurka iyo Sareynta sharciga .

In aanan arrimaha amniga la siyaasadayn , meelna looga Soo wada jeesto dagaalka lagula jiro Al Shabaab. In ciidamada amniga ka shaqeeya sidoo kale aysan ku dhexmilmin siyaasadda.