Wariye Loo Xiray Dilkii Xerada Xalane Loogu Geestay Almaas Elman

0
635

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayan in dilkii Almaas Elman loogu gaystay Magaalada Muqdisho loo xiray nin Wariye ah, sababo ku aadan isagoo la socday markii la dilaayay.

Wariye Saciid Fadhaaye oo ka mid ah Wariye-yaasha dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxaa caawa xabsiga u taxaabay Ciidamada Booliska Somaliya.

Wariyaha ayaa gaariga la saarnaa Almaas Elman, waxayna toogashada dhacday, xilli uu gaariga dhex socday inta u dhaxeyso Xerada Xalane iyo Garoonka Aadan Cadde. Gabadhan ayaa waxaa dishay xabad aan la garanayn halka laga soo tuuray.

Almaas Elman ayaa waxay u geeriyootay dhaawac culus oo ka soo gaaray xabadaasi, lamana garanayo cidda dishay, iyadoo dhinaca kalena aanay jirin cid sheegatay masuuliyadda dilkeeda.

Ciidamada Booliska oo wada baaritaan ku aadan dilkeeda ayaa waxay illaa iyo hadda u hayaan Wariye Saciid Fadhaaye, oo iminka ku xiran Saldhiga Booliska ee Garoonka Aadan Cadde, waxaana wax laga weydiinaya dilkeeda iyo qaabka uu u dhacay, iyadoo aad mooddo in ay qudhiisa tuhunsan yihiin.

Saciid Fadhaaye ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in uu ku xiran yahay Saldhiga Booliska ee Garoonka Aadan Cadde, isagoona hay’adaha ammaanka ku eedeeyay inaanay raadin kuwii dilka gaysatay.

“Waxaan ku xiranahay Saldhiga Police-ka ee Airportka, sababtana ma aqaan. Intii wixii na soo weeraray raadin lahaayen, anagey nagu mashquuleen.” Ayuu yiri Saciid Fadhaaye.

Allaha u naxariistee Almaas Elman ayaa waxay iminka ahayd shaqaale ka tirsan Xafiiska Xiriirka & Isgaarsiinta ee Midowga Yurub, waxayna u dhaqdhaqaaqi jirtay arrimaha xuquuqda aadanaha.

Almaas ayaa horey u soo noqotay Xoghayaha Safaaradda Somaliya ee dalka Kenya, sidoo kalena waxay ahayd diblomaasi Soomaaliyeed oo dalkaasi Kenya ka hawlgeli jirtay.

Almaas ayaa waxaa dhalay Elman Cali Axmed oo ka shaqayn jiray nabadda iyo arrimaha xuquuqda aadanaha, kaasoo sanadkii 1996-kii lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Almaas ayaa waxay wada dhasheen Ilwaad Elman oo u sharaxan abaalmarinta caalamiga ah ee Nobel Peace Prize iyo Imaan Elman oo ah Korneyl Ciidanka Xoogga Dalka ka tirsan.