Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar sarkaal lagu dilay oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.
Xoogag hubeysan ayaa xalay gudaha Kismaayo ku dilay Axmed Buulle oo ahaa guddoomiyihii xaafadda Via Afmadoow oo kamid ah xaafadaha ugu caansan xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in rag hubeysan ay mas’uulka dileen kadibna ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen.









