Thursday, July 23, 2026
Home Wararka Weerar Dhimasho Iyo Dhaawac Geestay Oo Ka Dhacay Magaalada Guriceel.

Weerar Dhimasho Iyo Dhaawac Geestay Oo Ka Dhacay Magaalada Guriceel.

0
731

Weerarka ayaa caweysnimadii xalay ka dhacay deegaan hoos-tagga Magaalad Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyadoo uu hal qof ku dhintay, laba kalena ay ku dhaawacantay.

Weerarka ayaa waxaa gaystay dabley ku hubeysneyd hubka fud fudud, ka dib markii ay rasaas oodda kaga qaadeen dhalinyaro ku caweyneysay goob ku taala Deegaanka Balli-howd, oo Waqooyi Bari kaga beegan Magaalada Guriceel.

Dableyda oo wadatay gaari nooca raaxada ayaa waxaa la soo sheegaya in ay goobtaasi uga baxsadeen gaarigii ay wateen.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkan uu la xiriiro aanooyinka xagga beelaha, oo muddooyinkii ugu dambeysay ku soo badanaayay deegaanada hoos-tagga Magaalada Guriceel.

Wararka ayaa waxay intaa ku darayan in saakay ay dhiilo colaadeed ka taagan tahay Balli-howd iyo deegaanada kale ee ku dhow dhow.

Maamulka Galmudug iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaalada Guriceel ayaan ka hadlin weerarka ka dhacay Deegaanka Balli-howd iyo xiisadda maanta laga soo sheegayo.