Dowladda Turkiga Oo Ka Hadashay Fatahaadaha Wabiyada Soomaaliya

0
506
ANKARA, TURKEY - NOVEMBER 27: Turkish National flag flies at half-mast at the frontyard of the Turkish Ministry of Foreign Affairs in Ankara, Turkey on November 27, 2017. Turkey declared one day national mourning in tribute to al-Rawdah mosque terrorist bombing attack in the town of Bir al-Abed west of El Arish in North Sina, in Cairo, Egypt. The death toll in the attack on a mosque in Egypt’s Sinai Peninsula is at least 305 people. Fatih Aktas / Anadolu Agency
Dowladda Turkiga aya noqotay dowladdii ugu horreysay ee ka soo jawaabta baaqii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ee u gurmashada dadka ay sameeyeen fatahaadaha xoogan ee ka jira qeybo badan oo ka mid ah dalka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa qoraal ka soo baxay waxa ay uga  hadashay saameynta ka dhalatay fatahaadaha wabiyada Shabeelle iyo Jubba, kuwaas oo ay ku barakaceen dad badan oo Soomaaliyeed.

Warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in ugu horreyn ay ka tacsiyeyneyso dhimashada ka dhalatay fatahaadahaas, isla markaana ay aad uga xun tahay dhibaatadaasi.

Gurmadka loo fidinayo dadka barakacayaasha ee ku dhibaateysan magaalooyinka ay ugu horeyso Beledweyne ayaa lagu sheegtay warbixinta wasaaradda in ay si hufan uga qeyb qaadanayso dowladda Turkiga.