Ciidamada Ku Sugan Koontaroolada Muqdisho Oo Feejignaan La Galiyay.

0
763
Ciidamada Booliska dowladda Federalka Somaliya ee ku sugan Koontaroolada la isaga kala gudbo Degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa la galiyay xaalad feejignaan ah tan iyo xalay, iyadoo ay jirto cabsi dhanka ammaanka ah.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa Dhacdo.com u sheegay inay jirto xogo dhanka ammaanka ah oo la helay, islamarkaana loo diyaariyay Ciidamada inay feejignaan dheeri ah muujiyaan.

Isgoysyada Muqdisho ee Ciidamada ay joogaan, sidoo kalena lagu gooyay dhagxaanta waaweyn oo ay adag tahay gaadiidka inay si xowli ah ku maraan, ayaa la arkaayay tan & xalay Ciidamada oo ku jira xaalad feejignaan ah, islamarkaana hubkooda banaanka ula soo baxay.

Wararka waxa ay sheegayaan inay jiraan suurtagalnimada gaadiid qaraxyo ay ka buuxaan oo ay saaran yihiin rag hubaysan inay doonayaan si xoog ah inay ku maraan mid ka mid ah Koontaroolada Ciidamada ammaanka ay ku sugan yihiin, waana sababta keentay in Ciidamada feejignaan dheeri ah la galiyo si damaca Shabaab & qorshahooda aysan ugu suuragelin.

Muddooyinkaan dambe ammaanka Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu noqday mid hagaagsan, kadib markii dhamaan Isgoysyada gala wadada Maka Al-Mukarama lagu gooyay dhagxaan, sidoo kalena la dhigay Ciidan, islamarkaana loo diiday gaadiidka shacabka inay ka gudbaan, kuwa aqoonsiyo dowladda wata mooyee.

Wadooyinka Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu arkaayay gaadiidka Ciidamada Booliska & Saraakiishooda oo kormeer ku tagaayay goobaha Koontaroolada iyo Ciidanka sida feejignaanta ay ugu jiraan.