Guddigii Farsamada Ee Xukuumadda Magacawday Oo Gaaray Dhuusamareeb.

0
559

Waxaa goor dhow Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud gaaray Guddiga Doorashooyinka Galmudug, ee ay magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Somaliya.

Guddiga oo ka amba baxay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa ka degay Garoonka Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb.

Guddigan ayaa waxaa durbaba amnigooda la wareegay Ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo ay weli ku sugan yihiin Garoonka Ugaas Nuur.

Tallaabada Guddigan ay ku taggeen Magaalada Dhuusamareeb ayaa imaanaysa, xilli Ahlu Sunada Galmudug ay Talaadadii magacawday guddi ka kooban kow iyo toban xubnood, kuwaa oo liddi ku ah guddiga ay soo magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Ahlu Sunada Galmudug ayaa waxay guddigan ku tilmaamtay kuwo aan lagu salayn heshiiskii ay dhawaan la gashay Dowladda Federaalka Somaliya.

Marka aad fiiriso wejiyada xubnaha Guddiga Farsamada Dhismaha Galmudug ee maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa xaqiiqsanaysaa inay u badan yihiin shaqaalihii dowladda, waana midda koobaad ee sababtay in Ahlu Sunna ka soo horjeedsato

Galmudug ayaa hadda yeelanaysa laba guddi doorasho, iyadoo ay tani dhalisay hadalhaynta ugu badan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Dhuusamareeb iyo deegaanada kale ee Galmudug.