Kooxdan askarta ah ee la xiray ayaa illaalo ka hayey bar lagu baaro gaadiidka oo ku taal nawaaxiga Hotel Naasa-Hablood ee magaalada Muqdisho, waxaana askartan lagu eedeeyyey inay iyagu yihiin kuwii dilka geystay.
Taliyaha la dilay ayaa hogaamin jiray ciidamada loo yaqaan Gorgor oo ay tababartay dowlada Turkiga, kuwaasi oo kaalin muhiim ah ka ciyaaray dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Awdheegle ee gobalka Shabeelada Hoose oo looga saaray xoogaga Al Shabaab oo halkaasi ku sugnaan jiray.











