Illaalada Hotel Muqdisho Ku Yaal oo Dilay Sarkaal Nabadsugida Ka Tirsanaa Kadib Markii ay ka Shakiyeen Gaarigiisa.

0
545

Mid Kamid ah Hotlada Muqdisho Ayaa Caawa Illaaladiisu Dileen Sarkaal Ka Tirsanaa Nabadsugidda DANAB iyo Nin Kale oo Isaga La Socdey Sida ay Xaqiijiyeen Dad Goob Joogayaal ah ayaa Waxaa Lagu Soo Waramayaa in Qof kalena uu Dhaawac Fududi Kasoo Gaarey Rasaas Lagu Ridey Gaari uu Watey Sarkaalka Dhintay.

Sarkaalka Waxaa Magaciisa Lagu Sheegay Madaxey Saleebaan Wuxuuna  Watey Gaari Nuuca Raaxada ah iyadoo La Sheegayo In uu Soo Marey Waddo Khaldan Kadibna ay Ka Shakiyeen Illaalada Hotelka  oo U Maleeyey In Gaarigu Yahey Mid Is Qarxin Raba Halkaas oo ay ku Dhinteen Sarkaalka iyo Nin Illaalo u ahaa oo Wada Saarnaa Gaariga.

Wali Wax war ah Kama Soo Bixin Hay’adaha Amniga iyo Sida Wax U Dhaceen,Mana aha Markii ugu Horeysey oo Sidan oo kale uu u Dhaco Dil Kama ah Iyo Shakiga ay Kala Qabaan Dadka Hubeysan ee Illaaliya Goobaha Dawladda Hoteladda Baraha Koontolada Iyo Guryaha Madaxda Iwm.