Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Somaliya ayaa waxaa uu sheegay in dowladdu ogoshahay go’aanka Maxkamadda ICJ oo noqonayo mid kama dambeys ah.
Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Somaliya ayaa sheegay in Dowladda Somaliya ay horey u diiday in dib loo dhigo kiiska badda, ha yeeshee aanay ka weynayn go’aanka Maxkamadda.
“Dowladda Somaliya horey ayay u diiday in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda, balse aanay dowladdu ka weynayn go’aanada Maxkamadda.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Somaliya.
Maxkamadda ICJ ayaa waxay go’aansatay in dhageysiga dacwadda la amba qaado 8-da illaa 12-ka bisha June ee sanadka 2020.
Go’aanka Maxkamadda ayaa lala wadaagay labada dowladood, si ay u soo diyaarsadaan wixii dood iyo cadayn ah, ee ay la hortaggayan Maxkamadda.
Waa markii labaad oo Maxkamadda ICJ ay dib u dhigto kiiska murunka badda la xiriira, ka dib codsiyo uga yimid Dowladda Kenya.











