Ciidamada Danab Oo Beeniyey Warar Ay Baahiyeen Al-Shabaab

0
777

Afhayeen u hadley ciidamada sida gaar ah u tababaran ee DANAB aya beeniyey warar ay baahiyeen kooxda Al-Shabaab oo ay ku sheegteen in ay askar badan ka dileen ciidamadooda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in qaraxyo ay dhowaan ciidamada Danab kula beegsatay duleedka Muqdisho ay ku dishay dhowr iyo toban askari.

Mowliid Axmed Xasan oo ah afhayeenka Danab oo ay warbaahinta weydiisay khasaaraha rasmiga ah ee qaraxyadii dhawaan lagula beegsadey duleedka Muqdisho ayaa hadaladaasi ku tilmaamay kuwa been abuur ah islamarkaana aysan jirin khasaaro sidaa u sii buuran oo ka soo gaaray qaraxyadaasi ay al-shabaab sheegeen in ay la beegsadeen.