Dowladda Soomaaliya ayaa diiday in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska dacwadda badda ee horyaala maxkamadda caalamiga ah ee ICJ,iyadoo xarunta maxkamadda ay ku suganyihiin masuuliyiin sare oo uu ka mid yahay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.
Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Somaliya, Mahdi Maxamed Guuleed khadar oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si cad u diiday in mar kale dib loo dhigo dhageysiga ugu danbeeya ee la wada sugayo ee Maxkamada ka dib markii dowladda kenya ay dalbatay in dib loogu dhigo mudo 12-bilood ah.
Dowladda Soomaaliya oo diiday in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska dacwadda badda ee horyaala maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.iyadoo xarunta maxkamadda ay ku suganyihiin masuuliyiin sare oo uu ka mid yahay ra'iisul wasaare ku xigeenka dalka.
Gepostet von Radio Mogadishu am Freitag, 4. Oktober 2019











