Wasiirka Wasaaradda Maaliyada maamul gobolleedka Jubbaland Cabdirashiid Jire Qalinle ayaa sheegay sababtay ay u qaadaceen ka qeybgalka shirka heerka caalami ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa sheegay in martiqaadka shirka markii horeba ka ogaadeen baraha bulshada, dhinaca kalana aan la marin sida uu hadalka u dhigay nidaamkii saxda ahaa madaama oo sida uu hadalka u dhagey shirka lagu martiqaaday madaxweynayaal.
“Marka Koowaad casuumaada la soo diray mid toos ah ma aheyn baraha bulshada ayaa ka aragnay, mida labaad casuumaada Xafiiska ay ku habooneyd lama soo marsiin, Madaxweynayaal ayaa la casuumay, in Jubbaland la dhaho Wasiir baa la casuumay waa qalad oo la dhaho Wasiirka Maaliyadda la casuumay oo matali doono arrin sax ah ma ahan”ayuu yiri C/rashiid Jirre.
Dhinaca kale mar uu soo hadal qaaday wax laga fili karo shirka wax ka qabsoomay shirarkii ka horeeyay ee lagu qabtay dalka dibadiisa ayuu sheegay in aanay waxba ka qabsoomin waxyaabihii lagu heshiiyay shirarkii hore ee ka dhacay London sanadkii 2017da iyo kii ka dhacay Brussels sanadkii hore 2018, isagoo intaa ku daray in shirka SPF ee ka furmay Muqdisho aanu ogeyn waxa lagu heshiin karo iyadoo aan loo dhammeyn oo maamul goboleedyadii oo idil aanay ka qeyb galeyn.
Si la mid ah Jubbaland waxaa ka qeybgalka shirkan ka hor yimid maamul gobolleedka Puntland oo aysan jirin cid ku mataleysa, iyaga oo sharuud uga dhiggay in shirka laga soo qeybgaliyo madaxweynaha Jubbaland.
Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka furmay Muqdisho ayaa ku bilowday jawi ay ka muuqato kala qeybsanaan siyaasadeed iyo in aanay u dhammeyn dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.










