Wasiirki Maaliyadda Jubaland oo Sheegay In Shirka Muqdisho Ka Furmay Si Qaldan Loogu Casuumay.

0
569

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada maamul gobolleedka Jubbaland Cabdirashiid Jire Qalinle ayaa sheegay sababtay ay u qaadaceen ka qeybgalka shirka heerka caalami ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in martiqaadka shirka markii horeba ka ogaadeen baraha bulshada, dhinaca kalana aan la marin sida uu hadalka u dhigay nidaamkii saxda ahaa madaama oo  sida uu hadalka u dhagey shirka lagu martiqaaday madaxweynayaal.

“Marka Koowaad casuumaada la soo diray mid toos ah ma aheyn baraha  bulshada ayaa ka aragnay, mida labaad casuumaada Xafiiska ay ku  habooneyd lama soo marsiin, Madaxweynayaal ayaa la casuumay, in  Jubbaland la dhaho Wasiir baa la casuumay waa qalad oo la dhaho Wasiirka  Maaliyadda la casuumay oo matali doono arrin sax ah ma ahan”ayuu yiri  C/rashiid Jirre.

Dhinaca kale mar uu soo hadal qaaday wax laga fili karo shirka wax ka qabsoomay shirarkii ka horeeyay ee lagu qabtay dalka dibadiisa ayuu sheegay in aanay waxba ka qabsoomin waxyaabihii lagu heshiiyay shirarkii hore ee  ka dhacay London sanadkii 2017da iyo kii ka dhacay Brussels sanadkii hore  2018, isagoo intaa ku daray in shirka SPF ee ka furmay Muqdisho aanu  ogeyn waxa lagu heshiin karo iyadoo aan loo dhammeyn oo maamul  goboleedyadii oo idil aanay ka qeyb galeyn.

Si la mid ah Jubbaland waxaa ka qeybgalka shirkan ka hor yimid maamul gobolleedka Puntland oo aysan jirin cid ku mataleysa, iyaga oo sharuud uga dhiggay  in shirka laga soo qeybgaliyo madaxweynaha Jubbaland.

Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka furmay Muqdisho ayaa ku  bilowday jawi ay ka muuqato kala qeybsanaan siyaasadeed iyo in aanay u  dhammeyn dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.