Garoonka Diyaaradaha Boosaaso oo Dawladda Imaaraadku Balaarin Ku Sameyneyso.

0
528
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa shaacisay inay ballaarinayso garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaddib markii ay halkaa booqasho ku tageen wafdi ka socda Imaaraadka.
Wafdiga ayaa booqday garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, iyaga oo kormeer ku sameeyay qeybaha garoonka.
Mas’uuliyada xukuumadda Abu Dubai, ayaa sheegay in sida dhaqso ah loo billaabi doono dhismaha lagu doonayo in lagu ballaariyo garoonka ku yaalla magaalada xeebeedka Boosaaso.
Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomadda Puntland, Xuseen Cismaan Lugatoor ayaa suxufiyiinta u sheegay in garoonka ay u diyaarinayaan inuu ka mid noqdo garoomada ugu wanagsan gobolka, bixiyana adeeg iyo shaqo waafi ah.
Lama sheegin xilliga rasmiga ah ee la billaabayo qorshaha lagu ballaarinayo garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.