Suuqa Labaad ee Magaalada Muqdisho Suuq Bacaad oo Koox Bastoolado Ku Hubeysani Ku Dileen Nabadoon.

0
997

Koox bastoolado ku hubeysan ayaa lagu waramayaa in duhurnimadii maanta ku dileen magaalada Muqdisho nabaddoon magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle Qaloosh.

Goobta oo uu dilka ka dhacay oo ah Xaafadda Suuq Bacaad ayaa dilka kaddib tagay ciidamao ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo ku sugnaa Laanta Suuqa  Bacaad, waxana la sheegay in ciidamada ay sameeyeen howlgal wallow aan  dilkaasi weli dad loo qaban.

Magalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dillal loo geysto Askar, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo nabadoono caanka ah magaalada Muqdisho,iyada oo mas’uuliyada dilalkaas ay sheegtaan Al-Shabaab.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada dilkan, hasse ahaatee dowladda federaalka ayaa dilalka noocan ah ku eedeysa in ay geystaan xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab.