Ururka Daacish ee Ka Jira Gudaha Soomaaliya oo Soo Bandhigay Xoogag Cusuboo Kusoo Biiray.

0
691

Kooxda la baxday Daacish ee Soomaaliya ayaa gobolka Bari ku soo bandhigtay Xoogag cusub oo sida ay sheegeen ku soo biiray.

Kooxdan ayaa ayaa ku baahiyay Sawirraddan Bar ay ku leeyihiin Internetka oo  ay ku faafiyeen Wararkooda, waxaana ay sheegeen in Kooxdan cusub ay ka mid noqon doonaan Daacishta ka howlgasha Soomaaliya.

Waxaa ay sheegeen in xoogaggan  cusub ay ku tababartaan xerada Dawoud  Al Somali oo ay ugu magac-dareen tababare ciidan oo hore kooxda looga  dilay.

Dowladd Mareykanka ayaa dhawaan sheegtay in ay sare u kacday dagaalamayeyaasha hubeysan ee ku biiraya Ururka Daacish ee ka howlgalla Soomaaliya.

Kooxda Daacish ayaa ku xoogan buurleyda ku teedsan gobolka Bari iyaga oo dagaalo culus la gala dowlad gobolleedka Puntland oo ay marar badan isku fara-saareen fariisimo ay ku leeyihiin gobolka.