Dowladda Soomaaliya oo laga dalbaday in ay raaligalin buuxda ka bixiso dhacdadii leysku hortaagay maalintii shalay wafdi uu hoggaaminayay Shariif Sheekh Axmed oo ku sii jeeday magaalada Kismaayo ayaan arintan wali wax war ah ka soo saarin.
Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka dalbaday dowladda in ay raaligalin ka bixiso, hasse ahaatee warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda ka biyo diidan tahay ka hadalka arintan, iyada oo aan marnaba ogoleyn in ka qeybgalka caleemo saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]
“Sida la og yahay dalka waxaa uu ku jiraa marxalad soo kabasho dib u dhiska dowladnimada iyo isu keenida bulshadii colaaduhu kala irdheeyeen, laguna heshiiyay dastuur KMG ah oo damaanad qaadaya xuquuqda iyo xoriyadda muwaadinka Soomaaliyeed”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka xalay ka soo baxay xisbiga uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed ee Himilo Qaran.
Xisbiga ayaa uga digay dowladda Federaalka sida ay hadalka u dhiggeen faragelinta ay ku heyso dowlad goboleedyada iyo ku tagri falka awoodeed.
Xisbiga ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay Madaxda dowladda Federaalka inay ka waantoobaan jebinta dastuurka iyo shuruucda dalka, waxaana ay caddeynayaan in wixii hadda ka dambeeya aan loogu dulqaadan doonin inay si bareer ugu tuntaan sharciga dalka u yaalla.











