Sarkaal Ka Tirsanaa Booliska Amisom oo Maydkiisa Laga Helay Guri uu Ka Degenaa Xerada Xalane

0
514

Sargaal ka tirsanaa ciidamada booliiska AMISOM kana soo jeeda dalka Uganda ayaa shalay oo Sabti aheyd 07 September waxaa meydkiisa laga helay guri uu ka deganaa xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

newsinisdeEdward Bagonza oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee Booliiska AMISOM  ayaa meydkiisa laga helay gurigii uu degnaa, lamana oga  wali sababta keentay geerida sargaalkan AMISOM katirsanaa.

Sargaal u hadlay booliiska AMISOM oo lagu magacaabo Grace  Grace Turyagumanawe. ayaa xaqiijiyay geerida sargaalka katirsan AMISOM, mana  faah faahin sababta keentay geerida sargaalkai.

Booliiska AMISOM ayaa wada baaritaano ku aadan waxa keenay geerida sargaalkan katirsanaa ciidankooda, lamana oga wali in sargaalkan uu is dilay iyo in si caadi ah u geeriyooday.

Saraakiil iyo ciidamo katirsan AMISOM ayaa marar badan meydadkooda laga helay xeryo iyo goobo kale ay Muqdisho kaga sugnaayeen, qaar kamid ah saraakiishaasi ayaana la sheegay in iyaga gacantooda isku dileen.