Axzaabta Siyaasadda Dalka oo Muddo Dhawr Cisho ah Shir Uga Socday Xarunta Xisbiga Shacabka Soomaaliyeed ayaa Galabta Soo Gaban Gabeeyey Dib Eegis iyo Aqrin Ay Ku Samaynayeen Xeerka Doorashooyinka Diyaarintiisa ay Gacanta Ku Hayaan Gudiga Xildhibaanada Barlamaanku Magacaabey Dhawaan.
Axzaabta Siyaasada Ayaa Qodob Qodob U Dul Istaagey Xeerka ay Xukuumadu Barlamaanka U Gudbisay,Kaas oo aan u Muuqan Mid Ka Turjumi Kara Baahida Maanta Dadka Soomaaliyeed U Qabaan In Codkooda Siiyaan Qofka ay Doonayaan,ayna Ka Gudbaan Kala Qoqobka,Qabyaaladda,Habka Wax Ku Qaybsiga 4.5 iyo La Xisaabtan La’aanta Hogaanka Dalkooda.
Xisbiyada Siyaasada ayaa Hoosta Ka Xariiqay In ay Waajib Ku Tahey Xukuumadda Waqtigan Talada Haysa in ay Maqlaan Una Dhega Nuglaadaan Waxa Shacabkoodu Ka Rabaan oo ah Doorasho Qof iyo Cod Nidaamka Axzaabta Badan oo aysan Ku Mashquulin Diyaarinta Guul Hannaankeedi uusan Diyaarsaneyn,Iyadoo Xeerkan Laga Dheehan karo Damaca Xukuumadda Waqtigan Talada Haysa In ay aad u Dooneyso Xeeleysi iyo Xeer Gudub in ay Dalka Kusii Hoggaamiso,Marqaatina ay U Tahey Xeerkan iyo Qodobo Xisbiyadu Halkan Kusoo Bandhigayaan Sida ay u Qrnaayeen iyo Sida Xisbiyadu U Dhigeen,Waana Kuwan Qodobadii ay Xisbiyadu Calaamadiyeen ee Ka Bogo.
Qod-1aad: Magaca Sharciga.
Qod-13aad: Firqada 2aad: Sida Uu Qabo
Qod-13aad: Firqada 6aad: Xisbigii Ku Guulaysan Waaya Doorashooyinka Golaha Shacabka Codad U Dhigma 7% Codadka Guud Ee Doorashada Wuxuu Ka Harayaa Kamid Noqoshada Golaha Shacabka.
Qod-14aad: Firqada 2aad: Maalinta Doorashooyinka La Qabanayo Waxaa Cayimaya GMDQ Kadib Marka Ay La Tashadaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalaaka Soomaaliya,Madaxweynaha Ayaa Dikreeto Ku Soo Saaraya Maalinta Doorashada Oo Ay Gudiga Soo Jeediyeen.
Qod-14aad: Firqada 3aad: GMDQ Waa In Ay Cayimaan Taariikhda Doorashada Ugu Yaraan 90-Maalmood Ka Hor Waqtiga Ay Codbixinta Qabsoomeyso.
Qod-17aad: Farqada 6aad: Haddii Ay Suurta Gali Weydo Habka Diiwaan Gelinta Ku Xusan Firqada 5aad Ee Qodobkan GMDQ Ayaa Gu’aan Ka Gaaraya Habka Diiwaan Gelinta.
Qod-17aad: Firqada 7aad: Si Loo Fuliyo Diiwaan Gelinta Codbixiyayaasha GMDQ Waxay Shaqaaleysiinayaan Shaqaale Xirfad Iyo Waaya Aragnimo U Leh Howlaha Diiwaan Gelinta.
Qod-17aad: Farqada 9aad: GMDQ Waxay Soo Saarikaraan Xeer,Nidaamiyayaal,Gu’aano,Habraacyo Iyo Amaro Lagu Dhaqan Gelinayo Diiwaan Gelinta Codbixiyayaasha.
Qod-18aad: Ferqada 1aad: GMDQ Ka Hor Inta Aysan Baahin Ama Shaacin Waqtiga La Bilaabayo Diiwaan Gelinta Codbixiyayaasha Iyo Mudada Ay Soconayso Waxay Wargelinayaa Madaxda Qaranka.
Qod-18aad: Ferqada 2aad: Madaxweynaha Ayaa Dikreeto Ku Soo Saarayo Bilowga Diiwaan Gelinta Codbiyayaasha Kadib Marka Uu Dhageesto Islamarkaana Uu Darso Soo Jeedinta Sababeysan Ee GMDQ Mudo 60-Maalmood Ah Ka Hor Maalinta Ay Diiwaangelinta Bilaawaneyso.
Qod-26aad: Farqada 4aad: Musharaxiinta U Tartamaya Xubinimada Golaha Baarlamaanka Waxay Bixinayaan Qidmad Aan Celin Lahayn Oo Dhan Sh.So/U Dhigma $2,000 Dollerka Maraynka Ah Kaasoo Lagu ShubayoQasnada Dowlada.
Qod-31aad: Farqada 1aad: Tabeelayaasha (Boorarka),Waraaqaha Hal Ku Dhigyada Ee Ololaha Doorashooyinka Iyo Fariimaha Kala Duwan Ee Xisbi Ama Musharax Ugu Talagalay Ololaha Waxaa Xeer Nidaamiye Ka Soo Saaraya GMDQ.
Qod-32aad: Farqada 1aad:Waxaa Reeban In Ololaha Doorashada Lagu Qabto Goobaha Cibaadada Sida Masaajidda Iyo Meelaha U Dhow Iyo Meelaha Kale Aanay Habooneyn Sida Goobaha Waxbarashada Iyo Caafimaadka.
Qod-51aad: Ferqada 10aad: GMDQ Waxay Go’aan Ka Gaarayaan cabashooyinka La Xiriira Natiijada Doorashaooyinka 7-Maalin Oo Shaqo Gudahood Oo Ka Bilaabata Maalinta Xigta Marka Ay Dhamaato Codbixinta.
Qod-54aad: Farqada 3aad: Waxaa Mamnuuc Ah Oo Aan La Ogoleen In Goobta Cod Bixinta Laga Ololeeyo Codbixiyayaashu Loo Caga Jugleeyo,Hanjabo,Laga Hor Istaago In Ay Codeeyaan Ama Qal Qal La Geliyo Habsami U Socodka Doorashooyinka Ee Goobta.
Qod-56aad: Dib U Dhaca Doorashooyinka. 1 Hadii ay Suurageli Weydo Doorashooyinka Guud ee Xubnaha Barlamaanka Dalku In ay Qabsoomaan Daruufo Ada goo Jira Awgeed,Xubnaha Barlamaanka Xilka Haya ayaa Sii Haynaya Xilka Sharci –Dajinta,inta Daruufahaas Adag Laga Gudbayo,Doorashaduna Ka Qabsoomeyso. 2 Duruufaha Adag ee Ku Xusan Farqada 1’aad,ee QodobkanWaxaa Kamid ah,Nabadgelyo Darro Baahsan oo Dalka oo Dhan ka Dhacda,Aafooyinka Dabiiciga ah sida Dhul Gariirka iyo Cudurada Faafa,Abaaro Baahsan iyo Fatahaadaha Wabiyada iyo Duufaanta iyo Wax Kasta oo Lagu Tilmaami Karo Masiibo Qaran. 3 Marka Duruufaha ku Xusan Farqada 2’aad ee Qodobkani Dhacaan GMDQ Waxa ay La Tashanayaan Madaxda Dawlada Federalka oo uu Ugu Horeeyo Madaxweynuhu,waxeyna Barlamaanka U Gudbinayaan Qoraal Sababeysan oo Xambaarsan Duruufaha Adag iyo Asbaabta Kaliftey in Doorashooyinka Dib Loo Dhigo.Sidoo Kale Duruufaha Adag Waxaa Kamid Noqon Kara in aaney Doorashadu Farsamo ahaan Qabsoomi Kariheynin. 4 Intaas kadib Gudiga Doorashooyinku Waxa ay ku Dhawaaqayaan in Doorashadii Dib u Dhacdey.
5 Mudada Cusub ee Doorashooyinka Baaqdey ku Dhici Karaan Waxaa Cayimaya Gudiga kadib Marka uu Qiimeyn Ku Sameeyo Xaaladda iyo Muddada Duruuftaas Lagaga Bixi Karo.
6 Hawsha Qiimeynta Muddada Lagaga Bixi Karo Duruufaha Adag ee Ku Xusan Farqada 5’aad ee Qodobkan,Gudigu waxa ay La Kaashanayaan Xukuumadda iyo Hay’adaha Dawladda ee Qaabilsan wax Ka Qabashada Duruufahaas.
7 Mudada Xil-haynta ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalku,Waxa ay La Kordhaysaa Muddada Cusub ee Golayaasha Sharci-dajinta Maadaama ay Doorashadu Xilligeedii Ku Qabsoomi Weyday. |
Qod-1aad: Magaca Xeerka
Qod-13aad: Firqada 2aad: Sida Uu Qabo
Qod-13aad: Firqada 6aad: Xisbigii Ku Guulaysan Waaya Doorashooyinka Golaha Shacabka Codad U Dhigma 2% Codadka Guud Ee Doorashada,Wuxuu Ka Harayaa Kamid Noqoshada Golaha Shacabka Waxayna U Dhigantaa 5.5-Kursi.
Qod-14aad: Firqada 2aad: Maalinta Doorashooyinka La Qabanayo Waxaa Cayimaya GMDQ Iyagoo Kala Tashanaya Axzaabta Inta aan Madaxweyenaha loo Gudbin La Tashiga GMDQ.
Qod-14aad: Firqada 3aad: GMDQ Waa In Ay Cayimaan Taariikhda Doorashada Ugu Yaraan 120-Maalmood Ka Hor Waqtiga Ay Codbixinta Qabsoomeyso.
Qod-17aad: Farqada 6aad: Haddii Ay Suurta Gali Weydo Habka Diiwaan Gelinta Ku Xusan Firqada 5aad Ee Qodobkan GMDQ Ayaa Go’aan Ka Gaaraya Habka Diiwaan Gelinta Ka Hor La Tashiga Xisbiyada Iyo Inta Ay Quseyso Doorashada.
Qod-17aad: Firqada 7aad: Si Loo Fuliyo Diiwaan Gelinta Codbixiyayaasha GMDQ Waxay Shaqaaleysiinayaan Shaqaale Muwaadiniin Soomaaliyeed Ah Oo Xirfad Iyo Waaya Aragnimo U Leh Howlaha Diiwaan Gelinta.
Qod-17aad: Farqada 9aad: GMDQ Waxay Soo Saarayaan Xeer,Nidaamiyayaal,Gu’aano,Habraacyo Iyo Amaro Lagu Dhaqan Gelinayo Diiwaan Gelinta Codbixiyayaasha Ka Hor La Tashiga Xisbiyada Iyo Hay’addaha Ay Quseyso.
Qod-18aad: Ferqada 1aad: GMDQ Ka Hor Inta Aysan Baahin Ama Shaacin Waqtiga La Bilaabayo Diiwaan Gelinta Codbixiyayaasha Iyo Mudada Ay Soconayso Waxay Wargelinayaan Madaxda Qaranka iyo Axzaabta Siyaasada.
Qod-18aad: Ferqada 2aad: GMDQ Ayaa Shaacinaya Lana Wadaagaya Hay’addaha Ay Quseyso Marka Bilowaneyso Diiwaan Gelinta Codbiyayaasha Si Madax Banaan Ka Hor 30-Maalmood Gudahood.
Qod-26aad: Farqada 4aad: Musharaxiinta U Tartamaya Xubinimada Golaha Baarlamaanka Ee U Sharaxan Xisbi Walba Xisbiga Ayaa Bixinaya Qidmad Aan Celin Lahayn Oo Dhan Sh.So/U Dhigma $1,000 Dollerka Maraynka Ah Kaasoo Lagu Shubayo Qasnada Dowlada.
Qod-26aad: Farqada 5’aad (Kudarid). Hadii Musharaxa Xisbi Soo Sharaxey ee ku Guuleysta Kursiga Barlamaanka uu Ka Leexdo Siyaasda Xisbiga Xisbiga ayaa U Madaxbanaan In uu Xubin Kale Ku Bedelo.
Qod-31aad: Farqada 1aad: Tabeelayaasha (Boorarka),Waraaqaha Hal Ku Dhigyada Ee Ololaha Doorashooyinka Iyo Fariimaha Kala Duwan Ee Xisbi Ama Musharax Ugu Talagalay Ololaha Waa U Madax Banaan Yihiin Haddii Aysan Wax U Dhimeyn Xeerarka Iyo Qawaaniinta Dalka U Degsan Xeer Nidaamiye Ayayna GMDQ Ku Soo Saarayaan.
Qod-32aad: Farqada 1aad:Waxaa Reeban In Ololaha Doorashada Lagu Qabto Goobaha Cibaadada Iyo Meelaha Kale Ee Aanay Habooneyn Sida Masaajida Goobaha Waxbarashada Iyo Caafimaadka Dhexdooda.
Qod-51aad: Ferqada 10aad: GMDQ Waxay Go’aan Ka Gaarayaan cabashooyinka La Xiriira Natiijada Doorashaooyinka 3-Maalin Oo Shaqo Gudahood Oo Ka Bilaabata Maalinta Xigta Marka Ay Dhamaato Codbixinta.
Qod-54aad: Farqada 3aad: Waxaa Mamnuuc Ah Oo Aan La Ogoleen In Goobta Cod Bixinta Laga Ololeeyo Codbixiyayaashu Loo Caga Jugleeyo,Hanjabo,Laga Hor Istaago In Ay Codeeyaan Ama Qal Qal La Geliyo Habsami U Socodka Doorashooyinka Ee Goobta Wuxuuna Muteysanayaa Ciqaab Dhan 2-3sano Oo Xarig Ah Ama Gaaax Lacageed Oo Ay Maxkamadi Go’aamiso.
Qod-56aad: Qabsoomida Doorasho Ee Nidaamka Axzaabta Badan. 1 Hadii ay Suurageli Weydo Doorashooyinka Guud ee Xubnaha Barlamaanka Dalku In ay Qabsoomaan Daruufo Adag oo Jira Awgeed,Xukuumadda Ayaa Soo Bandhigeysa Kalana Tashaneysa Xisbiyada,Maamulgoboleedyada,Bulshada Rayidka ah,Qaabka ugu Haboon ee ay ku Dhici Karto Doorasho Nidaamka Xisbiyada Badan Ku Saleysan. 2 Duruufaha Sababi Kara Qabsoomid La’aanta Doorashooyin Dalka Ka Dhaca 2020-2021 waa Kuwa Rabaaniga ah ee aaney Aadanuhu Sababi Karin,Sida Dhul- Gariiriirka,Dabeylaha,Abaaraha,Fatahaadaha IWM.
3 Marka Duruufaha Ku Xusan Farqada 2’aad ee Qodobkani Dhacaan GMDQ Waxa ay La Tashanayaan Madaxda Dawladda Federalka,Madaxda Dawlagoboleedyada iyo Madaxda Axzaabta Siyaasdda,Go’aanka La Tashiga ayeyna La Wadaagayaan Barlamaanka Federalka Soomaaliya.
4 Intaas Kadib Gudiga Doorashooyinka Qaranku Waxa ay Ku Dhawaaqayaan Go’aanka Barlamaanku Isku Raacaan.
5 Mudada Cusub ee Doorashooyinka Baaqdey ku Dhici Karaan Waxaa Cayimaya Gudiga kadib Marka uu Qiimeyn Ku Sameeyo Xaaladda iyo Muddada Duruuftaas Lagaga Bixi Karo.
6 Hawsha Qiimeynta Muddada Lagaga Bixi Karo Duruufaha Adag ee Ku Xusan Farqada 5’aad ee Qodobkan,Gudigu waxa ay La Kaashanayaan Xukuumadda iyo Hay’adaha Dawladda ee Qaabilsan wax Ka Qabashada Duruufahaas.
7 Muddada Xil-haynta ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya waa (4) Sano oo Ka Billaabaneysa Maalinta La Dhaariyo Sida uu Tilmaamayo Qod.91’aad Ee Dastuurka kmg Soomaaliya.
|
|
|


























